|

Denmark Oo Bilowday Dib U Celinta Qaxootiga Soomaaliyeed, Ka Dib Heshiis Ay La Gashay Gaafow

Dawlada Denmarka ayaa bilowday inay dib uso celiso Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda ka dib heshiis ay la gashay Cabdullaahi Gaafow Maxamuud xilligii uu ahaa Taliyihii hore ee Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Afartii qof ee ugu horeeyay ee Soomaali ah ayaa dawlada Denmar ay kuso celisay Soomaaliya, ka dib markii ay ka dhacday Ciqaamadii ay dalka ku joogeen, waxaana Denmarka ay diiday inay u cusboonaysiiso Ciqaamada iyaga oo ka duulaya heshiiska uu la galay Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

Hay’adda Qaxootiga adduunka ee marka magaceeda laso gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa ka hortimi go’aanka dawlada Denmarka ay qaadatay, waxaa UNHCR Warbixin ay soo saartay ay ku sheegtay in xilligan aan loo baahnayn in Soomaalida dib loo celiyo, maadama dalku uusan wali daganeyn ay khatar gali karto nolosha dadka lasoo cesho.

Soomaalida dagan dalka Denmar ayaa aad uga carooday heshiiska uu galay Gaafow ee galaaftay Soomaalida la daala dhacayay dhibaatada, kuwaas oo kaabayay nolosha Carruur iyo Waalidiin ku nool dalka oo ay Biil u dirayeen.

Cabdullaahi Gaafow Maxamuud ayaa sanadkii hore yimi Denmark, isla markaana saxiixay heshiis qarsoodi ah oo u saamaxaya Denmark iney si khasab ah ay Muqdisho uga dajiso Soomaalida, hGaafow hada waa Taliyaha Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka.

Soomaali kale ayaa sida ay qorshaysay dawlada Denmark ay doonaysaa inay dalka Soomaaliya dib ugu celiso, waxaana arrintan ay walaac ku beertay Soomali badan oo Denmark ku nool.

www.puntlandi.com.

Comments are closed