|

(Dhagayso) Agaasimaha Maxjarada Puntland Oo Rajo Ka Muujiyay In Dib Loo Fasaxo Xoolaha Soomaalida

Qoraal kaso baxay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha dawlada Sucuudiga 9,December, 2016, ayaa lagu joojiyay Xoolihii ay ka qaadan jireen Soomaaliya, arrimo la xiriira Caafimaadka Xoolaha sida qoraalka lagu sheegay.

Wixii waqtigaas ka dambeeyay dadaal xooggan ayaa dawlada Soomaaliya iyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso ay u galeen sidii loo fasixi lahaa Xoolaha, waxaana ay taasi horseeday in dawlada Sucuudigu ay Wafdi dhakhaatiir ah oo xaqiiqo raadin ah uso diraan Soomaaliya.

Waxaa Wafdiga dhakhaatiirta ah ay gaareen magaalooyinka Berbera, Muqdisho iyo Boosaaso, waxaana ay sameeyen baaritaanada ay doonayeen, iyaga oo Xoriyad u helay baaritaankooda.

Agaasimaha guud ee Maxjarada Puntland Maxamad Faarax Maxamuud oo, ayaa sheegay in socdaalka Wafdiga ay la socdeen, isla markaana ay si wayn ugu diyaargaroobeen.

‘’Waxaa noo yimi Wafdi ka socday dawlada Sucuudi Carabiya oo ahaa Wafdi loso diray Soomaaliya, ka dib markii dawlada Sucuudigu uu joojiyay Xoolaha Soomaaliya, dadaal dheer ka dib waxaa Sucuudigu uu go’aansaday inuu soo diro Wafdi xaqiiqo raadin ah oo tagay Berbera, Muqdisho iyo Boosaaso, waxaa ay hibiyeen Maxjarada iyo sida ay shaqada u qabtaan’’ Ayuu yiri.

Maxamed Faarax ayaa sheegay in Wafdigu ay mareen dhamaan magalooyinka safarkoodu uu ku wajahnaa, isla markaana uu safarkoodu uu kuso beegmay xilli ay diyaargarow wannaagsan sameeyen.

‘’Waxay safarkooda kaso bilaabeen Berbera, waxay ku xijiyeen Boosaaso, ka dib waxay aadeen Muqdisho oo ay ugu dambayn ka duuleen, runtii xilli aan u diyaargarownay ayay noo yimaadeen’’ Ayuu yiri.

Agaasimaha guud ee Maxjarada Puntland Maxamad Faarax Maxamuud, ayaa shegay in Xooluhu ay muhiimad lama aad u balaaran u xambaasran yihiin Ummadda Soomaaliyeed.

Isaga oo arrintaas ka hadlaya ayaa wuxuu yiri…..‘’Xooluhu waa lafdhabarta dhaqaalaha Soomaaliya, dadka Soomaaliyeed si toosa iyo si dadban ayay ugu nool yihiin Xoolaha, wadamada Xoolaha loo dhoofiyo waxaa ka mid ah Sucuudiga, dhamaan dadka Soomaaliyeed waa ka wada qayb qaateen sidii dib loogu furi lahaa Xoolaha, waxaa la muujiyay dadaal balaaran, meesha carabta ay Batroolku u joogo ayay annagana noo joogaan, tagitaankii Farmaajo ee Sucuudiga qayb wayn ayuu ka qaatay, safaarada Soomaaliya ee Sucuudiga qayb wayn ayay ka qaadatay, annaga iyo Safaaraduna xiriirkeenu aad ayuu u waynaa, runtii dad badan ayaa ka qaatay hawshan’’.

Rajo intee le’eg ayaa laga qabaa in Xoolaha dib loo fasaxo ayaan waydiinay Agaasimaha guud ee Maxjarada Puntland Maxamad Faarax Maxamuud, wuxuuna ku jawaabay ‘’Rajadu waa fiican tahay, maanta annaga cabsida noogu wayn ee na haysa waa Abaarta, Xoolo badan ayaan ka baqaynaa inay dadkii dhaafaan, waxaan EEBE ka baryaynaa inuu Abaarta naga saaro, dadka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay isu gargaaran, guddiga Abaaraha ee Sheekh Fu’aad uu hormuudka u yahay shaqo wannaagsan ayay qabteen, waxaan rajaynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Sucuudigu u furan, ka hor Xajka inta aan la aadin’’.

Agaasimaha guud ee Maxjarada Puntland Maxamad Faarax Maxamuud, ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay iscafiyaan oo ay ka shaqeeyaan hormarkooda, ayna caawiyaan dadka ay saamaysay Abaartu.

‘’Dadka Soomaaliyeed marka 1-aad Ciqaab baa haysa meel kasta oo ay joogaan, cadaabka EEBE Adduunka waa joogaa Aakhirna waa joogaa, waa in dadku ay EEBE u noqdaan oo ay is cafiyaan, oo ay xaasidnimada iyo dhibaatada ku badalaan iscaawinid, EEBE roob nooma waayin waa na-imtixaamayaa, waa in si gaar ah loo caawiyo dadka ay Abaartu haysato’’ Ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata.

Ugu dambayn wuxuu Ganacsatada iyo Aqoonyahanka ugu baaqay inay dhaqdaan Xoolaha oo ay Maalgelin ku sameeyaan, isla markaana aan Xoolaha lagu halayn oo kaliya dadka reer guuraaga ah.

www.puntlandi.com.

Comments are closed