abaaraha
|

(Dhagayso) Baarlamaanka Soomaaliya Maxay Ka Yiraahdeen Heshiiska Saldhiga Berbera?

Xildhibaanada dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay sharci ahaanshaha saldhiga uu Imaaraatka Carabtu doonayo inuu ka hirgaliyo magaalada Berbera ee Soomaaliland.

Kulanka looga hadlay Arrimaha Saldhiga Berbera ayaa waxaa soo xaadiray Xildhibaano ka badan 140, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay si sharci ah uso gudbiyeen Mooshinka, waxaana uu sheegay inay doonayaan in Baarlamaanku ay ka Doodaan ka dibna ay cod u qaadaan.

Wuxuu intaas ku daray in Mooshinku uu yahay Waajib wadani ah oo ay gudanayaan, wuxuu sheegay in Baarlamanku ay jawaab ka sugayaan guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay inaysan hayn heshiis, sidaa darteedna ay muhiim tahay Xoc cad laga helo haddii uu heshiis jiro, nooca uu yahay iyo arrimaha khuseeya hawsha Imaaraatka Carabtu ay ka wadaan Berbera.

Wuxuu Jawaari sheegay in loo baahan yahay inay Xukuumadda Soomaaliya ay faahfaahin ka bixiso waxa ay kala socoto heshiiska, ka dibna halkaa laga sii amaba qaado waajibaadka horyaala Baarlamaanka.

Xildhibaano ka tirsan dawada Federaalka Soomaaliya, ayaa doonaya in Mooshin loo qaado heshiiska Imaaraatku uu la galay Soomaliland, kuwaas oo gudbiyay Mooshin ka dhan ah heshiiska.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login