|

(Dhagayso) Bannaanbax Balaaran Oo Ka Dhacay Degmada Burtinle

Bannaanbax balaaran ayaa ka dhacay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, ka dib markii Boqolkii Doolar($100) Doolar uu gaaray Afar Milyan Oo Shilling Soomaali(4,000,000 Sh.s).

Taliye ku xigeenka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, ayaa sheegay in Bannaanbaxayaashu ay gubeen taayaro iyo Xarumo Ganacsi oo ku yaala magaalada.

Inkasta oo sare u kac dhinaca lacagta ah ay jirtay oo lacagta Shiling Soomalaiga ah ay qiimo beeshay, hadana waa heerkii ugu sareeyay oo uu gaaro sanadihii ugu dambeeyay.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa laga cabsi qabay lacago bannaanka uga yimaada Puntland oo si qarsoodi ah loso galiyo deegaanada Puntland.

Inkasta oo dawladu ay horay uso saartay in qiimo go’an loo gooyo sarifka lacagaha, hadana arrintaasi ma hirgalin.

www.puntlandi.com

 

 

Comments are closed