|

(Dhagayso) Dawlada Puntland Oo Ku Hawlan Sidii Loo Socod Siin Lahaa Lacagta Shiling Soomaaliga Ah

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Caarshe Dhaqaaje oo ay weheliyaan maamulka gobolka Nugaal, maamulka degmada Garowe iyo Bangiga dawlada, ayaa kulan la qaatay Sariflayaasha magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Ujeedada kulanka, ayaa ahaa sidii loo socod siin lahaa lacagta Shilling Soomaaliga ah oo qaarkeed aysan ka shaqayn Gobolada Puntland, waxaa Ganacsatadu ay diideen lacagta Shilling Soomaaliga ah ee Jilicsan, waxaana ay qaataan oo kaliya lacagta cusub ee dawladu ay samaysay.

Wasiirka cusub ee Maaliyadda Puntland, ayaa Ganacsatada ugu baaqay inay qaataan lacagta oo aysan kala saarin, wuxuuna xusay in dawladu ay doonayso innaan lacagta la kala saarin, xilli Amaradii iyo soo jeedintii ay horay uso saartay Wasaaraddu aysan horgalin.

Cabdullaahi Caarshe Dhaqaaje, ayaa laga filayaa inuu wax ka qabto xaaladan cusub, waxaana ay qayb ka noqon doontaa shaqooyinka culus ee horyaala, waxaana la filayaa inuu ka dhabeeyo balanqaadkiisa.

Ganacsatada kulanka ka qayb galay ayaa balan qaaday inay lacagta qaadan doonaan haddii ay shaqayso, isla markaana looga baahan yahay dawladu hirgaliso arrintaas.

Hoos Ka Dhagayso Codadka;

      Wasiirka Maaliyadda Puntland

www.puntlandi.com.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed