|

(Dhagayso) Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland:” Heshiiska Dekeda Boosaaso Waa Mid Taariikhi Ah”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in balaarinta Dekeda Boosaaso uu wax wayn kuso kordhin doono Ummadda Soomaaliyeed, wuxuu sheeegay in heshiisku uu ahaa mid taariikhi ah.

Axmed Cali Xashi ayaa sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Puntland ay wali ku sugan yihiin Imaaraatka Carabta, kuwaas oo arrimo farsamo oo haray dhamaystiri doona.

Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay in sanad gudihiisa la arki doono Wajiga 1-aad ee dhismaha Dekeda magaalada Boosaaso, ayna u shaqayn doonto si caalami ah.

”Heshiisku heshiis taariikhi ah ayuu ahaa, heshiis macno badan ayuu ahaa, waxaan ku helnay wax badan oo tanaasul ah iyo wax badan oo aan qabsanay” Ayuu yiri Xaashi oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Puntland ee heshiiska saxiixay.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan hormarka magaalada oo ah Hooyada Soomaaliya, taas oo marti gelisay dad badan oo Soomaaliyeed.

Ugu Dambayntii wuxuu sheegay in reer Puntland ay heleen Mashruuc Miisaan leh, kaas oo wax badan laga faa’iidi doono.

www.puntlandi.com.

Comments are closed