abaaraha
|

(Dhagayso) Madaxweyne Gaas Oo Ka Hadlay Safarkiisa Qandala iyo Xaalada Amaan ee Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa ka hadlay Safarka uu ku joogo degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay sidii uu ugu kuurgali lahaa xaalada degmada, wuxuu sheegay inay Kooxdii degmada horay u qabsaday ay dhibaato badan u gaysteen ciidanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Ciidanka Puntladn ka hor inta aysan qabsan magaalada ay laayeen Koox ka mid ah Daacish, sido kalena ay jiraan kuwo ay nolosha ku qabteen iyo kuwo isa soo dhiibay.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in degmada Qandala ay noqon doonto magaalo fariisin u ah ciidanka Puntland.

Sido kale Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dilalkii ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Hoos Ka Dhagayso Waraysi Uu Siiyay Idaacadda Codka Maraykanka:

www.puntlandi.com.   

Comments are closed

aet