|

(Dhagayso) Maxaa Maanta Ka Cusub Magaalada Garowe Ee Caasimada Puntland?

Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, ayaa waxaa maanta ka dhacay shir looga hadlay sidii looga soo kaban lahaa Abaartii ka dhacday gobolada Puntland, waxaana shirka si wada jir ah uga qayb galay Madax ka tirsan dawlada Puntland iyo Saraakiil ka socotay Hay’ado Caalamiga ah.

Shirka ayaa sido kale diiradda lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha khasaaraha geysta ee ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaana Puntland.

Abaartii ka dhacday Puntland ayaa waxaa ku dhintay dad iyo duunyo, waxaana ku le’day Xoolo badan, halka ay qoysas badana ku Xoolo beeleen.

Qoysas badan oo Soomaaliyeed ayaa Puntland uso hayaamay, kuwaas oo soo dhoweyn wannaagsan kala kulmay bulshada mudadii ay Abaartu jirtay.

Hoos Ka Dhagayso Codadka Shirka;

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login