abaaraha
|

(Dhagayso) Shariif Xassan Sheekh Aadan:”Yaa Yiri Waa Tanaasulay, Sanadka Rajo Wayn Ayaan Ka Qabaa innaan Guulaysto”

Maalmihii ugu dambeeyay Warbaahinta ku hadasha Afka Kooxda DAMU-JADIID ayaa qorayay warar aan saldhig la hubo lahayn oo ah inuu Shariif Xassan Sheekh Aadan ka tanaasulay Musharaxnimada Madaxweynaha Soomaaliya.

Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ka yimi Sucuudiga oo uu u aaday Cimro, ayaa iminka ku sugan dalka Itoobiya oo uu sheegay inuu yahay marin uu uga sii gudbayo Muqdisho, wuxuu waraysi uu siiyay Ifdaacadda codka Maraykanka uu ku sheegay inuu sanadka rajo wayn ka qabo inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharax Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Musharaxnimadiisa uu kala tashtay maamulkiisa iyo bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

”Anniga Musharax Madaxweyne baan ahay haddii uu ILLAAHAY ii qadaro, ILLAAHAY baa bixiya, laakiin innaan raadiyo maamulka Koonfur Galbeed, Baarlamaanka, Odayaasha iyo Shacabweynaha reer Koonfur Galbeed ayaa lagala tashtay Musharaxnimadayda, iyagana waa ogolaadeen” Ayuu yiri Shariif.

Wuxuu intaas ku daray”…..Muqdisho ayaan u socdaa innaan tartamo oo noqdo Madaxweynaha Soomaaliya sanadka aad iyo aad ayaan u rajaynayaa”.

Wararka ay ka qoreen Warbaahinta Muqdisho Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa ahaa kuwo aan lahayn xigasho cad, kana hor inayay Shuruucda Saxaafadda, waxaa ka muuqanayay inay yihiin Warar salka ku haya Ol’ole Doorasho.

Hoos Ka Dhagayso Waraysi Dheer oo uu Idaacadda Codka Maraykanka Siiyay:

www.puntlandi.com.

Comments are closed