|

(Dhagayso) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Oo Sheegay Inuu Isbadal Ku Sameeyay Amaanka Gaalkacyo

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Cismaan Xassan Cawke Afdalow ayaa sheegay inuu isbadal ku sameeyay amaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug mudadii uu xafiiska joogay.

Afdalow ayaa sheegay in hawlgalo ay sameeyen ay kuso qabteen dad falal amaanka liddi ku ah ka waday Gaalkacyo, kuwaas oo ku xiran xabsiyada Gaalkacyo.

Dadka lagu qabtay hawlgalka ayaa waxaa ka mid ah dad kufsi sameeyay, dad Gaadiid dhacay iyo kuwo magaalda gudaheeda amaanka daro ka waday oo Moobilada furan jiray.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in muddo saddex bilood ah uu xilka hayay, isla markaana ay dadweynuhu markhaanti ka yihiin inay wax badan ka badaleen amniga Gaalkacyo.

Wuxuu intaas ku daray inay inay jirto wada shaqayn ka dhaxaysa Puntland iyo Galmudug oo ku saabsan Iskaashi ay ka wada sameeyaan amniga Gaalkacyo.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Cismaan Xassan Cawke Afdalow ayaa sheegay inuu jiro Isdhexgal dhinaca arrimaha bulshada ah, taasi oo horseed u ah hormarinta amaanka gobolka Mudug.

www.puntlandi.com.

Comments are closed