|

(Dhagayso) Xaggee Marayaa Dhismaha Biya Xireenka Laga Hirgalinayo Deegaanka Dharoor?

Waxaa si habsami leh u socda dhismaha Biyo Xireen ay Dawlada Puntland ka hirgalinayso deegaanka Dharoor oo hoostagta degmada Iskushuban ee gobolka Bari.

Biyo Xireenka ayaa qayb ka ah afar biyo xireen oo ay dawladu horay u dhagax-dhigtay, si looga faa’iidaysto biyaha Roobka, waxaana Maalgaliyay dhismihiisa Bangiga Adduunka.

Madaxda Shirkadda gacanta ku haysa dhismaha Biyo xireenka, ayaa sheegay inay muddo toban bari ah kuso afmeerayaan dhismaha Biyo xireenka oo maraya heerkii ugu dambeeyay, si looga faa’iidaysto Roobabka Dayrta oo hadda bilowday.

Dhismaha Biya Xireenka, ayaa waxaa la bilaabay bishii Agoosto, waxaana la filayaa inay bulshadu ay ka faa’iidaysto ka dib marka laso afmeero.

Biyaha Roobka ayaan Ummadda Soomaaliyeed aysan ka faa’iidaysan, kuwaas oo badda ku darsama, hasa yeeshe waxaa hadda muuqanaya in bulshadu ay soo afmayso muhiimada ay leedahay ka faa’iidaysiga biyaha Roobka.

Hoos Ka Dhagayso Codka;

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login