|

(Dhageyso) kalluumaysato reer Puntland ah oo laga afduubtay xeebta Dhannaane ee katirsan Garacad.

Ugu yaraan sagaal kalluumaysato ah oo reer Puntland ayaa laga afduubtay xeebta Dhannaane ee deegaanka Garacad, xilli ay la socdeen Saxiimad ay kulluumaysi ku doonteen.

Illaa iyo hadda lama garanayo cida afduubatay iyo sababta loo afduubtay, waxaana hawada ka maqan taleefoonadooda gacanta sida uu Puntlandi u sheegay Maxamed Aadan oo ah qof ka katirsan dadka deegaanka Garacad.

Wuxuu sheegay afduubka kalluumaysatadaan inuu soo sheegay nin kalluumayste ah oo iyaga la socday oo soo baxsaday, kadib markii uu kasoo dabaashay, si nabad ahna ku yimid Garacad.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Maxamed Aadan uu siiyay Puntlandi .com.

      Maxamed Aadan

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed