|

(Dhageyso) Boqor Burhan Boqor Muuse oo baaq nabadeed udiray beelo walaalo ah oo ku dagaalamay Sool

(Pi Burtinle) Boqor beelaha Daarood Boqor Burhaan boqor Muuse boqor Yuusuf iyo nabadoonada gobolka Karkaar ayaa baaq nabdeed u diray beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano hoos yimaada gobolka Sool.

Shir jiraaid oo boqorku ku qabtay magaalada Qardho ayuu sheegay inay ka xun yihiin colaada u dhexeysa beelaha walaalaha ee wada dega deegaanada Qoriley, Cagaare, Magacley iyo kuwo kale, wuxuuna alle uga baryay intii dhimatay inuu u naxariisto inta dhaawaca ahna u boogo dhayo.

Wuxuu sheegay boqorku dadka dhibaatada hurinaya in shareecada islaamka la horkeenidoono, isagoo waxgaradka labada dhinac ku booriyay inay si dhaqo ah ku damiyaan colaadaan.

Halkaan ka dhageyso codka Boqorka.

      BoqorBurhaan

Puntandi.com

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed