abaaraha
|

(Dhageyso) Dowladda Puntland oo codsatay in laga caawiyo dagaalka ay kula jirto kalluumaysiga sharci darrada

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar (Camey) ayaa ugu baaqay howlgalka amniga baddaha ee Midowga Yurub inay gacan ka geysto sidii wax looga qaban lahaa kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha Puntland.

Howlgalkaan ayaa maalintii shalay si rasmi ah xafiis uga furtay magaalada Garowe, xafiiskaas oo sheegay inuu Puntland ka caawindoono soo saarida sharciyo lagu ilaalindoono badda, In tababaro iyo qalabayn loo sameeyo ciidamada badda Puntland iyo sharci lala tiigsado jariifayaasha.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa caalamka u sheegay in Puntland kaligeed aysan ku filnayn inay wax ka qabato dambiyada abaabulan ee lagu hayo xeebaheeda, maadaama Puntland ay leedahay xeebta ugu dheer Soomaaliya oo gaaraysa ku dhawaad 1,700 km.

Halkaan ka dhageyso codka Camey.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login