abaaraha
|

(Dhageyso) Guddoomiye Jawaari:” Waa in sanadkaan gudihiisa lagusoo cadeeyaa in Soomaliya ay ka dhici karto doorasho xor ah.

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Jawaari ayaa guddiga qaran ee doorashada Soomaaliya ka dalbaday inay sanadkaan 2017 soo cadeeyaan in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho cod iyo qof ah.

“Ma doonayno inaan dib ugu laabano war wareegii hore iyo marka la gaaro 2019 in la yiraahdo lama qaban karo doorashooyin xor ah,”ayuu yiri guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay barlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal inuu go’aan cad ka sugayo guddiga doorashooyinka qaran ee Soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso codka Jawaari.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login