|

(Dhageyso) Maamulka Cadaado Oo Lagu Eedeeyay Afduubka Dooni Ka Diiwaangashan Puntland

Siciid Cali Xuseen oo ah wakiilka Dooni kalluumaysi oo maalmo kahor gacanta u gashay mamulka Galmudug ee Cadaado ayaa sheegay doontaasi inay ahayd doon kalluumaysi oo sharciyaysan Shatina ka haysatay dowladda Puntland.

Wakiilkaan wuxuu sheegay doontaas inay raadinaysay Saxiimado kasoo lumay oo ay ka baadigoobayaan xeebaha badweynta Hinida, wuxuuna sheegay inay markii dambe weerar kusoo qaadeen koox maleyshiyo ah oo Galmdug katirsan, kuwaas oo xabbad la dhacay shaqaalahaas doontaas saarnaa iyagoo ilaa iyo haatan afduub ahaan uhaysta.

Wareysi laga qaaday ayuu ku sheegay inaanu wax kalluumaysi ah kawadin xeebaha kuyaala Galmdug islamarkaana aysan ahayn doonyaha lagu yaqaano kalluumaysiga sharci darrada ee dhibaatada ku haya xeebaha Soomaaliya.

Halkaan ka dhageysi wareysi laga qaaday.

Puntlandi.com

 

 

Comments are closed