abaaraha
|

(Dhageyso) Madaxweyne Farmaajo oo ka warbixiyay socdaalkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku yimid Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Frmaajo ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan waqti kooban socday kula qaatay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters, kaasoo booqasho aan la filayn ku tagay magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo saxaaafada uga warramay kulankaan ayaa sheegay inay kawada hadleen xoghayaha Qaramada Midoobay Ammaanka Soomaaliya iyo sidii Gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen Abaaraha ee ku sugan gudaha dalka.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa si degdeg ah u codsaday lacag dhan 825 milyan oo dollar oo qaramada Midoobay ugab qeyb qaadanayso gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso codka Farmaajo.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login