|

(Dhageyso) Madaxweyne Gaas:” Caqabado badan ayaa ka hor imaandoono hergelinta doorashooyinka xorta ah ee Puntland, balse waxaa naga go’an inaan ujoojinin.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo maanta daah furay geeddi socodka doorashooyinka axsaabta badan ee Puntland, ayaa sheegay inay hirgelinta doorashooyinka dimuqraadiyada ka hor imaandoonaan caqabado badan.

“Caqabado badan oo aanan horey ugu talo galin ayaa imaandoona, laakiin waa inaan ku dhiiranaa oo aan socodsiino doorashooyinka, inagoo ka eegayna dhinaca wanagaaiyo maslaxada dadkeena,” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland inay gacan ka geystaan sidii Puntland 2019 uga hirgeli lahayd doorashooyin xor ah, si looga gudbo nidaamkaan qabaliga ee jahliga ku dhisan.

Halkaan ka dhageyso codka madaxweyne Gaas.

      madaxwayne-gaas

Puntlandi.com

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed