abaaraha
|

(Dhageyso) Madaxweyne Gaas:” Waan ka xishooday inaan dabaal dego iyadoo shacabku xaalad adag ku jiro.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la filayaa inuu magaalada Bosaso marka uu dib uga soo laabto magaalada Qandala jeediyo khudbada sanad guuradiisa saddexaad ee kasoo wareegatay markii loo doortay madaxweynaha Puntland sanadkii 2014..

Isagoo ka hadlayay sababta loo baajiyay xafladii sanad guurada 8-da january ayuu madaxweyne Gaas sheegay inuu ka xishooday in shacabka Puntland oo ku jira xaalad adag oo abaareed uu dhigto xaflad dagaal deg ah.

“Anagu waan ka xishoonay saxna ma ahn, in xaflad la qabto. Waa waqti loo baahan yahay in dhibaatada lala qeybsado dadka Puntland ee abaartu saameysay mana ahan wax wanaagsan inaan xaflad dhigano dadkeena oo dhibaataysan.” ayuu yiri Gaas.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in la xisaabtankii gollihiisa waasiirada lagu qabandoono magaalada Garowe marka uu kusoo laabato, isagoo sheegay wixii natiijo oo kasoo baxa inay la wadaagidoonaan shacabka Puntland.

Halkaan ka dhageyso codka Gaas.

Puntlandi.com

 

Comments are closed