|

(Dhageyso) Wasaaradda cadaalada dowladda Puntland oo sheegtay in Puntland loosoo wareejinayo tababarada saraakiisha ciidanka asluubta Soomaaliya.

med-cali-faarax1

(Pi Garowe) Wasaaradda cadaalada, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta dowladda Puntland ayaa sheegtay in Puntland loosoo wareejinayo tababaradii saraakiisha ciidanka asluubta Soomaaliya loogu qaban jiray dalka dibadiisa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaalada Maxamed Cali Faarax oo la hadlay warsidaha Puntlandi ayaa sheegay tababarka ugu horeeya  inuu dhawaan ka furmidoonaan Garowe islamarkaana ay k qeyb gelidoonaan saraakiil katirsan DFS oo haatan Garowe ku sugan.

Maxamed Cali Faarax wuxuu sheegay mas’uuliyiintaan in la baridoono hannaanka ay u shaqeeyaan ciidanka asluubta dowladda Puntland, xeer ilaalinta guud iyo xabsiyada, waxaana saraakiisha ka qeyb galaya kamid ah xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir, taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed Bashiir Goobe iyo saraakiil kale oo ciidanka booliska Soomaaliya ka socda.

Dhinaca kale, agaasimaha wasaaradda cadaalada ayaa sheegay inay maalintii shalay isugu yeereen deeq-bixiyaasha Puntland ka taageera dhismayaasha xabsiyada, isagoo sheegay kulankaasi in looga hadlayay sidii loo balaarin xabsiyada Puntland, si buu yiri degmo kasta oo katirsan Puntland u hesho meel dambiilayaasha lagu xiro.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Maxamed Cali Faarax.

Puntlandi.com

 

Comments are closed