|

(Dhageyso) Wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame” Ma jiraan wax isbedel ah oo ku yimid go’aanadii amni ay dowladdu kusoo rogtay magaalada Gaalkacyo

Wasiirka deegaanka dowladda puntland ayaa shacabka reer Puntland gaar ahaan shacabka gobolka Mudug u sheegay inaanuw ax isbedel ah ku imaan go’aanadii amni ay dowladiu kusoo rogtay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan kala wareejinta gaadiidka koonfurta Soomaaliya ka yimaada oo ku eg magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka deegaanku wuxuu sheegay kaliya dowlada Puntland inay si kumeel gaar ah  fasaxday gaadiidka xoolaha muddo bil ah inta loo diyaarinayo siilad lagu wareejiyo xoolaha oo laga hirgelinayo magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale. wasiirka deegaanka ayaa sheegay inay dowlada Puntland ku amartay mulkilayaasha gaadiidka inay gaadiidkooda  marka ay iska iibinayaan mariyaan hab sharci ah,  si berito cidii gaarigaas laga iibiyay lagala xisaabtamo haddii loo adeegsaday falal amni darro.

.

Puntlandi.com

Comments are closed