|

Dhamaan xuduudaha Puntland oo caawo sugan iyo ciidanka difaaca Puntland oo heegan sare ku jira.

Dowladda Puntland ayaa sugtay dhamaman degaanada kuyaala xuduudaha ay la wadaagto maamulka Soomaaliland oo maalinta berrito ah guda galaya doorashada madaxtinimada.

Warsidaha Puntlandi oo xiriiro kala duwan la sameeyay degnooyinka gobolada Sool, Sanaag, Haylaan iyo Cayn, ayaa ogaaday inaanu jirin wax abaabul doorasho ah oo ay Soomaaliland kaga tashanayso inay ka fuliso degaanadaan , marka laga reebo degaano dowladda gacanteeda weli ka maqan sida Laascaano.

Dhammaan degaanada xuduudaha waxaa ku kala sugan masuuliyiinta isugu jira, wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo dadweynaha reer Puntland u cadeeyay inaanu Soomaaliland dhul Puntland ka taliyo aysan ka fulin karin wax la yiraahdo doorasho.

Dowladda ‘Punland ayaa degaanada xuduudaha kusoo rogtay bandow lagu adkaynayo looga hortagayo cid kasta oo iskudayda inay doorasho tuuganimo ah ka fuliso degaanka, sida horey loogu yaqaano maamulka Hargeysa.

Dowladdu waxay howglgalisay dhamaman ciidamada qalabka sida, waxaana lagu amray inay tilaabo ka qaadaan cid walba iskudayda inay doorashadaan ku lug yeelato.

Wixii soo kordha kala  socda Puntlandi

 

 

 

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login