abaaraha
|

(DHEDAYSO) Maxaa kasoo baxay howlgalladii la dagaalanka burcada ee ka socday magaalada Garowe.

(Pi Garowe) Taliyaha saldhiga dhexe ee Garowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile (Fardaful) ayaa sheegay inay guul kusoo dhammaadeen howgalladii waayahaan dambe ka socday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Taliyaha oo maanta wareysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan dad faro badan oo lagusoo eedeeyay inay yihiin burcad dadka dhibaato ku hayay, kuwaas oo uu sheegay in maxkamad loo diyaarinayo.

Wuxuu sheegay ciidanku inay har iyo habeen shaqeynayaan islamarkaana ay shacabku dareemeen isbedel weyn oo ku aadan in laga raystay burcada dadka habeenki dhibaatada ku hayay.

Taliyaha saldhigu wuxuu dhinaca taliyuhu sheegay inay baaritaan ku hayaan kiis dil ah oo xalay magaalada Garowe ka dhacay, kaasoo loo geystay wiil dhalinyaro, waxaana falkaas ka dambeeyay nin hubaysan oo watay darees ciidan.

Halkaan ka dhageyso codka taliyaha.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login