|

(Dhegayso) Cumar Faraweyne,” Alshabaab waa fulayo waxay bilaabeen inay bumbo ku tuuraan cidii ay laaluush ka waayaan.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), ayaa sheegay dowladda Puntland inaysan marnaba ka daalidoonin inay dalka ka xoreyso kooxda argigixisada ee Alshabaab ee dhibaatada ku haya ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cumar Faraweyne ayaa sheegay qaraxyada fuleynimada ah ee Alshabab inaysan marnaba cabsi galindoonin dowladda Puntland iyo shacabkeeda, isagoo sheegay inay u arkaan diin laawayaal caadaystay dhiiga ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

Waxaa uu guddoomiye intaas ku daray inay waayahaan dambe hab dhaqankoodii kusoo dareen inay dadka u diida lacagaha laaluushka ah ku tuuraan Bmbo gacmeed ay ku cabsi galinayaan, laakiin wuxuu sheegay inaysan usoorto galindoonin damacooda.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal wuxuu tacsi ka diray dadkii shacabka ahaa iyo ciidamadii ku dhintay qaraxyadii argigixisadu ka geysatay Af-urur, maalintii ciida iyo weerarkii Buula gaduud.

Halkaan ka dhegayso codka Guddoomiyaha.

Puntlandi.com

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login