abaaraha
|

(DHEGAYSO) Dowladda Puntland oo maanta si kulul u dhaleecaysay hay’addaha hogaamiyaha mashruuca JPLG.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa maanta si kulul u eedeeyay mashruuca horumarinta degmooyinka Ee JPLG, kaasoo uu ku tilmaamay mid lagu bahdilayo sharafta ummadda Soomaaliyeed si aysan wax u qabsan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay dhaqaalaha ugu badan ee mashruuca ku baxa inay ku tamashleeyaan hay’addaha mashruucaan ku bahoobay, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay jeebkooda ku shubtaan dhaqaalaha caalamku ugu yaboohay Soomaaliya.

“Lacagta hadda la hayo waa afar milyan iyo xoogaa, lacagtaas Saddex meelood labo meel oo kamid ah waxay ku baxdaa safaradooda, ilaaladooda, gaadiidkooda iyo hotelada qaaliga ay dagaan. Wixiii intaas kasoo hara ayaa laguugu bahdilayaa,” ayuu yiri Camey.

Wuxuu madaxweyne ku xigeenku ku baaqay in laga maarmo ku tiirsanaanshaha mashruucaan iyo guud ahaan kaalmada shisheeyaha, taa badalkeedna wuxuu soo jeediyay inay dadku isku tashadaan oo ay ka miro dhaliyaan  inay wax qabsankaraan,”ayuu yiri Camey.

“Aan gaarno heer aan ka maarmano kaalmada ajnabiga noo keenaan. Aan ku fekerno sidii aan dalkeena u horumarin lahayn, waxayna ku xiran tahay arrintaas inaan canshuurta bixino,” ayuu ku daray yiri madaxweyne ku xigeenku.

“Markaad dib u raacdaan mashruucaan waxaa ugu badan ee laga fuliyay waa wadooyin yaryar oo ku baxay $150,000 ama $200,000. Bal ka warama haddii aan maalin jimce ah masaajidka iska taagno waxaynu dhisan karnaa afar wado.

Halkaan ka dhageyso codka madaxweyne ku xigeenka.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login