|

(Dhegayso) Dowladda Puntland oo sheegtay inay tilaabo adag ka qaadayso urur Diimeedka Alsaadicuun

Dowladda Puntland ayaa maanta sheegtay inay tilaabo ka qaadayso cid kasta oo katirsan urur diimeedka lagu magacaabo Alsaadicuun bil xaq, kuwaas oo dhawaan looga dhawaaqay meelo badan oo Soomaaliya katirsan.

Shir jaraaid oo ay maanta Garowe ku qabteen saraakiisha amniga Puntland iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal  ayay ku sheegeen inay gacanta kusoo dhigayaan cidii taageerta ama ku biirta ururkaas oo ay dowladda Puntland u aqoonsan tahay Takfiir iyo burcad diimeed.

Guddoomiyha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa sheegay inay Puntland mamnuuc ka tahay ururo diimeed nuuc kasta oo uu yahay, isagoo sheegay ururkaan inuu qeyb ka yahay ururada dowladdu kula jirto dagaalka.

Halkaan ka dhageyso codka Guddoomiyaha.

Puntlandi.cm

 

You must be logged in to post a comment Login