|

(Dhegayso) Feysal Cali Waraabe,” Somaliland ka suurto galimayso inay laba reer ku heshiiyaan, intaynu is dili lahayn waa inaynu duuduubnaa oo aynu Somaliya wax la qaybsanaa.”

Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumada ku eedeeyay inay wado da’daalo dadka qabaa’il loogu kala qaybinaanyo, isla markaasna uu ka baqo qabo in rabshado qabyaaladeed ay dalka ka qarxaan.

“Aad ayaan uga warwar qabaa imika waxa Somaliland ka taagan siiba labadii maalmood ee ugu danbaysay shirka Burco ka dhacay ee qabaa’ilka ah ee ay salaadiintu yidhaahdeen haddaanu reer hebel iyo reer hebel nahay heshiis ayaanu galnay, sheekadu waxay ku tusayasaa in wadankii lagu celiyay 1994-kii qabaa’ilkii 1994 dagaalmayayna hadday asxaabtii ku kala fayleen taas baan war war weyn ka qabaa, laakiin waxaan ku kalsoonahay shacbiga reer Somaliland in aanay odayaashaas naftooda u shaqaysanaaya aanay maqlin ee ay asxaabta ku kala raacaan waxyaalaha ay bixin doonaan iyo kartidooda iyo akhlaaqdooda iyo siday wadanka u wadi lahaayeen.”

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”waxaan ka xumahay waliba shirka Burco waxa uu ahaa mid ay xukuumadu dabada ka wado oo qabaa’il ku salaysan in dadku nacaba inay Somaliland sii socoto. Mucaaradku waa uu la dagaalamayay laakiin waxa maanta quwada siiyay dawladda shirka ku qabatay Burco; Somaliland ka suurto galimayso inay laba reer ku heshiiyaan oo ay sidii hagbada isugu dhiidhibaan  oo ay yidhaahdaan maantana waa idinka, taasi wax suurto galaysa maaha, intaynu is dili lahayn waa inaynu duuduubnaa oo aynu Somaliya wax la qaybsanaa.”

Halkaan ka dhegayso Feysal Waraabe.

You must be logged in to post a comment Login