abaaraha
|

(DHEGAYSO) Guddoomiyaha degmada Qandala oo beeniyay warar saxaafada koonfurta Soomaaliya ay qoreen

Guddoomiyaha degmada Qandala ee gobolka Bari, Jaamac Maxamed Quurshe ayaa been abuur iyo dacaayad ku tilmaamay warar saxaafada koonfurta Soomaaliya laga maamulo ay qoreen oo ku saabsan in kooxda Daacish ay qabsatay deegaano hoos yimaada Qandala.

Guddoomiyaha ayaa sheegay kooxda Daacish inay si naf la caari ah ugu dhuumaalaysanayso gobolka Bari, laakiin wuxuu meesha ka saaray awoood ay ku qabsan karaan dhul kamid ah Puntland oo horey looga sifeeyay.

Wuxuu guddoomiyuhu sheeegay inay dhowaan dowladdu uga daba tagayso meelaha ay nimankaani Daacish ku dhuumanayaan, si guud ahaan loosoo afjaro.

You must be logged in to post a comment Login