|

(Dhegayso) Guddoomiyaha gobolka Bari oo sheegay inay gubayaan lacagta aan laga lahayn Puntland

Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), ayaa maanta magaalada Bosaso ka sheegay inay gubayaan lacagta aan laga lahayn Puntland, isagoo amar ku bixiyay in kantaroolada lagu celiyo lacagaha lagasoo daabulayo koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Bari, ayaa sheegay dhibaatada ugu weyn ee keentay kala soocida shilin Soomaaliga inay la xiriirto lacago tiro badan oo lagasoo keenay koonfurta Soomaaliya, taasoo loogu dan leeyahay in Puntland lagu waxyeeleeyo.

Dhedo ayaa dhinaca kale ganacsatada sariflayaasha Bosaso uga digay lacagaha ay kala soocayaan, isagoo sheegay inay dowladdu tilaabo adag ka qaadidoonto sariflihii lagu helo isagoo kasoo horjeesta go’aankii dowladda kasoo baxay.

Halkaan ka dhegayso codka guddoomiyaha.

      GUDOOMIYAHA GOBOLKA

Puntlandi.com 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed