|

(Dhegayso) Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo soo dhoweeyay go’aankii kasoo baxay barlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, ayaa soo dhoweeyay go’aankii maanta kasoo baxay barlamaanka Puntland, kaasoo ahaa in xuduudaha laga difaaco cid walba oo doonaysa inay halkaas geyso sanaadiiqda codbixinta doorashada madaxtinimada Somaliland.

Guddoomiyaha oo wareysi siinayay warsidaha Puntlandi ayaa sheegay shacabka gobolkiisa inay kasoo horjeedaan doorashada maamulka Hargeysa islamarkaana ay diyaar u yihiin inay ka hor tagaan iskuday kasta oo lagu doonayo in doorasho looga qabto gobolka Sanaag.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in Somaliland isku dayayso inay si qarsoodi ah qalabka doorashada ugeyso degaano kamid ah dhulka Puntland, balse wuxuu cadeeyay inay si dhow ula socdaan xuduudaha gobolka Sanaag.

Halkaan ka dhegayso coda guddoomiye Ciyoon.

      Z0000013 - My Recording

Puntlandi.com

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login