|

(Dhegayso) Guddoonka barlamaanka Puntland oo amray xukuumadu inay si degdeg ah uga hortago faro galinta maamulka Hargeysa.

Garowe (Puntlandi) Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi, ayaa maanta soo saaray go’aan lagu farayo gollaha xukuumada Puntland inay ka hor tagaan in doorasho Snomaliland leedahay ay ka dhacdo degaano kamid ah dhulka Puntland,

Go’aankaan ayaa sidoo kale faraya gollaha xukuumada inay soo saaraan baaq ku saabsan faro galinta Soomaaliland ku hayso Puntland iyo tilaabadii arrintaas laga qaadan lahaa, sidoo kalena beesha caalamka waxaa looga digay inay maamulka Hargeysa ku garabsiiyaan arrintaan.

Waxaa kaloo kamid ah go’aanada barlamaanku soo saaray in gollaha xukuumadu gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee difaaca dalka kana hortagaan faro gelinta qaawan ee Somaliland.

36 xildhibaan ayaa meel mariyay go’aankaan kasoo baxay barlamaanka Puntland.

Halkaan ka dhegayso go’aanka lagasoo saaray.

      Baarlamanka-Puntland-oo-soo-saaray-Goaamo-ku-saabsan-xaalada-Puntland

Puntlandi.com

 

 

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login