|

(Dhegayso) Maamulka gobolka Nugaal iyo saraakiisha amniga oo ka hadlay xasuuqii ka dhacay Muqdisho

Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garowe iyo taliyaha la dagaalanka argigixisada Puntland, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Garowe, waxay si xoogan u cambaareeyeen weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu xasuuqay shacabka Muqdisho.

Masuuliyiinta ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegay inay Puntland iyo shacabkeeda aad uga xunyihiin falkaas foosha xun ee shacabka badan lagu xasuuqay islamarkaana ay cid walba oo reer Puntland ah dareen isku mid ah ka muujiyeen ficilkaas argigixisadu ku kacday.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cumar Cabdulaahi Faraweyne, ayaa ku baaqay Puntland gudaheeda in laga sameeyo gurnad la gaarsiinayo dadkii dhibaatadu kasoo gaartay weerarkaas foosha, wuxuuna sheegay cid walba in looga baahan yahay hiil qaran.

Cumar Faraweyne ayaa dowladda federalka ugu baaqay inay la timaado qorshe lagu sugayo ammaanka shacabka Muqdisho ayna xaqiiqda iska indho tirin, wuxuuna sheegay in hay’addaha ammaanka lagu dhex jiro oo ay jiraan dad cadowga gacan siinaya.

Taliyaha la dagaalanka argigxisada Puntland, Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa isna sheegay in loo baahan yahay in argigixisada aan gabbaad la siinin, si loosoo afjaro. Waxaa kale oo uu sheegay inaan lagu taageerin qabiil iyo ehelnimo, isagoo xasuusiyay inay argigixisadu lahayn wax naxariisa.

General Muxyadiin ayaa farriin culus udiray shacabka Puntland, isagoo u sheegay inay ku waano qaataan waxa ka dhacayaMuqdisho, ayna la shaqeeyaan ciidamada ammaanka kana ka qeyb qaataan dagaalka argigixisada lagusoo afjarayo.

Halkaan ka dhegayso codadka masuuliyiinta.

      Z0000021 - My Recording

Puntlandi.com

 

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed