|

(Dhegayso) Madaxweyne Gaas,’ Dowladda federalku awood uma lahan inay kaligeed go’aan ka gaarto arrimaha masiirkeena taabanaya.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabiweli Gaas ayaa sheegay  dawladda Federalka in looga baahan yahay inay fahanto awoodda ay leeyihiin iyo masuuliyadda saaran dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Federalka.

“magaalada Xamar markaad koonfur ka aaddo oo Jasiira gaadho dabcan waxaad gelaysaa dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, markaad dhanka waqooyi aadona waxaad gelaysaa Hir-shabeelle taa waxaa kaaga muuqata marka in baaxadda dhuleed iyo masuuliyadda saaran maamul goboleedyadu inay tahay 90% wax kabadan” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland

” Sidaadaraadeed masuuliyaddaa nasaaran waxay nafaraysaa inaan isu nimaadno, inaanu tashano in aanu ka wada hadalo sidii masuuliyaddaa ee xajmiga iyo baaxadda intaa tiro le’g leh aanu u fullin lahayn oo aanu uga hawl geli lahayn weeye waxa shirkani laysugu yimi” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegay in War-murtiyeedka kasoo baxay shirkani uu yahay mid ka turjumaya fikirka iyo aragtida mawqifka, masuuliyadda iyo masiirka ummadda Soomaliyeed ka saaran Madaxdooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay inuu rajaynaayo in War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Kismaayo uu haado mid ummadda Soomaaliyeed ka farxiya, muujiya masuuliyad, muujiya ka damqasho laga damqanayo xaaladda dalku kusugan yahay, waxaana uu shacabka iyo maamulka Jubbaland uga mahadnaqay marti qaadka shirkaasi qaran ee lagaga arrinsanayey xaaladda Soomaaliya.

Halkaan ka dhegayso codka Gaas.

      Wareysi- Gaas oo ka Hadlay Shirka Kismaayo

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed