|

(DHEGAYSO) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland,” Waa in Magacii iyo sumcadii dhalinayarda Soomaaliyeed dib loo raadiyaa.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng, Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta Garowe uga qeyb galay xaflad lagu maamuusayay sanad guuradii 74-aad ee kasoo wareegatay markii la aas asay ururka gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL oo ku beegan 15, May sanadkii 1943.

Madaxweyne ku xigeenka oo khudbad ujeediyay boqolaal dhalinyaro ah oo kasoo qeyb galay xaflada ayaa dhalinyarada reer Puntland ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha weyn ku leh ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay dhalinyaradu inay yihiin xooga dalka.

Eng. Camey ayaa dhinaca kale soo jeediyay in la raadiyo magacii iyo sumcadii dhalinyarada Soomaaliyeed. isagoo sheegay labaatankii sano ee uu dalku burbursanaa in dhalinyarada loo adeegsanayay wax kasta oo xumaan ah.

Halkaan ka dhegayso codka Camey.

Puntlandmews.net

 

 

Comments are closed