|

(Dhegayso) Siyaasi Yeey,” Dowladda Puntland waa inay difaacdaa xuduudaheeda oo ka hortagtaa doorashada Hargeysa.

Siyaasi Cabdualahi Maxamed Yuusuf oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland, ayaa dowladda Puntland ugu baaqay inay xuduudaheeda ka difaacdo doorasho ku sheega maamulka Hargeysa.

Siyaasigaan oo wareysi siinayay Radiyaha maxaliga ah ee Daljir, ayaa sheegay dowladda in looga baahan yahay in nidaam dowladdeed ay ku difaacdo dhulkeeda, haddii arrintaas ay qaban weydo oo xuduudaha xiri weydana wuxuu sheegay inay ku fashilan yihiin hogaaminta Puntland.

“Ka aqbali mayno dowladda Puntland inay faraha ka laabato xad gudubka lagu hayo dhulka Puntland ee cadowga ku gorgor tamayo, mana ogolaandoono inay Sool, Sanaag iyo Cayn doorasho ka dhacdo, haddii taasi dhacdana waxaan uqaadanaynaa inay dowladdu raali ka tahay doorashadaas,” ayuu yidhi Siyaasi Yeey.

Halkaan ka dhegayso codka Yeey.

      Wareysiga+Siyaasi+Cabdidaahir+Maxamed+Yuusuf+Yey

Puntlandi.com

 

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login