|

(DHEGAYSO) Soocadde,” Cali Khaliif iyo kooxdiisa horaa loo ogaa inay u shaqeynayeen maamulka Hargeysa, heshiiska ay la galeena waa ku kaligood.

Wasiirkii hore ee warfaafinta iyo isgaarsiinta ee dowladda Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa wax lala yaabo aan ku tilmaamin heshiiskii Cali Khaliif iyo kooxdiisa la galeen maamulka Hargeysa.

Soocadde ayaa sheegay Cali Khaliif inuu shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa sarkaal katirsan Maanmulka Siilaanyo , taasina aysan cidina daah ka saarnayn.

Waxaa kale oo uu Soocadde sheegay ismuujinta Cali Khaliif  inaysan waxba soo kordbindoonin. balse uu kamid ahaandoono shakhsiyaadka Dhulbahante sheegta Hargeysa ku sugan.

Wuxuu ugu baaqay dadka degan gobolada SSC inay ogaadaan cadowgooda koowaad inuu yahay Cali Khaliif iyo kooxdiisa, kuwaas oo doonaya masiirkii goboladaas inuu hoos geeyo Hargeysa.

Halkaan ka dhegayso codka Soocadde.

Puntlandi.com

 

 

Comments are closed