|

(DHEGAYSO) Taliska booliiska Puntland oo digniin kasoo saaray lacagaha lagala soocayo.

Garowe (Puntlandi.com) Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland, gaashaanle sare Bile Faarax Cali, ayaa maanta sheegay inay tilaabo adag ka qaadidoonaan cidii lagu helayo iyadoo kala soocaysa lacagaha shilinka Soomaaliga.

Taliyaha ayaa sheegay inay fulinayaan amar dhowaan kasoo baxay wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland, kaasoo ahaa in dambiile loo aqoonsado qofkii lagu arko isagoo kala guraya lacagaha shilinka Soomaaliga.

Gaashaanle sare Bile Faarax Cali ayaa sidoo kale sheegay in tilaabo laga qaadayo cid oo walba oo dowladda katirsan oo diida inay lacagtaan ay qaataan.

Halkaan ka dhegayso codka taliyaha.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login