|

(DHEGAYSO) Taliyaha booliska gobolka Gardafu oo digniin ujeediyay burcadbadeeda.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Gardafu gaashaanle Sare Maxamed Siciid Cumar oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, ayaa digniin xoogan ka bixiyay falalka burcadbadeednimada ee kasoo cusboonaaday Puntland gaar ahaan gobolka Gardafu.

Taliyaha ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee gobolka Gardafu inay dhalinyarada ku howlan burcad badeednimada ka waaniyaan, si aanan mustaqbalkooda ugu ciyaarin.

Dbawaan ayay ahayd markii taliyuhu uu soo gudbiyay dacwada 18 burcadbadeed ah oo iskudayo weerar ka geystay xeebaha gobolka Gardafu, kuwaas oo dacwadoodu haatan ka furan tahay Garowe.

Halkaan ka dhegayso shirka jatraa;id ee taliyaha.

      Taliyaha qaybta gobolka Guardafu Gaashaanle sare Maxamed Siciid Cumar (1)

Puntllandi.com 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed