|

(Dhegayso) Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland oo xustay maalinta caalamiga ah ee carruurta Afrika iyo madaxweyne Gaas oo ka qeyb galay

(Pi Garowe) Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta qabatay munaasabad balaaran oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee carruurta Afrika, maalintaas oo sanad kasta ku beegan 16 bisha June, kuna beegnayd maalintii shalay.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qeyb galay xafladaan lagu qabtay xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garowe.

Madaxweyne Gaas oo khudbad ka eediyay xuskaan ayaa u mahad celiyay wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland iyo tacliinta sare oo xil weyn iska saartay qabashada xuskaan, wuxuuna sheegay dowladda Puntland inay ka go’an tahay dhowrista xuquuqda carruurta.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu inay Puntland qeyb ka tahay dhowrista dhaqan gelinta xeerarka caalamiga ah ee dhowrista xuquuqda carruurta, kuwaas oo ka kooban 4 qodob oo kala ah, badbaadin, horumarin, difaacid iyo ka qeybgalid.

Halkaan ka dhegayso codka madaxweynaha.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login