|

(VIDEO) Wasiirka cadaalada Dowladda Puntland oo si adag uga hadlay afduubka shirkada Jubba Airways ku haysato arrimaha Xajka.

Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland, Saalax Xabiib Jaamac oo maanta Garowe dib ugu soo laabtay kadib safar uu muddo ugu maqnaa dalka Maraykanka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaato wayn ku qabaan gudashada waajibaadka Xajka ka dib markii kooxo iyo shirkado gaar ah afduubeen Arimihii xajka.

Wasiir saalax ayaa shirkada dulimaadyada Jubba Airways ku eedeeyey inay afduub ku haysato Arimaha xajka oo dhan, wuxuuna ugu baaqay in ay ku ekaadaan shaqadooda dulimaadka.

Wasiirka cadaalada ayaa ugu baaqay dowladda federalka inay wasaaradda diinta iyo awqaafka loo madax banaaneeyo shaqadeeda lagana daayo warqadaha villa Soomaaliya kasoo baxaya ee masiirka dalka gacmaha loogu galinayo kooxo dhiig miiratooyin ah oo ay shirkada Jubba Airways, sida uu Puntlandi fahamsan yahay.

Saalax Xabiib Jaamac, waxaa sidoo kale uu ku baaqay in mashruuca xajka uu noqdo mid furan oo tartan loo galo si ay xujayda uga yaraato lacagaha badan oo aysan dadku awoodin.

Shirkada Jubba Aiways ayaa sannad walba xujeyda Sooamaliyeed ka qaado lacag afar kun oo dollar ah, waxaana intaas usii dheer iyagoo xujeydu ay la kulmaan dayac xoogan marka ay tagaan dalka Sacuudiga.

Ma jirto cid illaa iyo haatan kala xisaabtantay dhibaatadaas loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan ka daawo muuqaalka wasiir Saalax.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login