|

(DHEGAYSO) Xeer ilaalinta Puntland oo ka hadashay 18 nin oo burcad badeednimo loo haysto oo dacwadoodu ka furantay maxkamada Garowe.

Xeer ilaalinta Puntland ayaa maanta dacwad ku soo oogtay 18 nin oo ku eedaysan Burcad-badeednimo kuwaas oo isku deyay in ay xeebaha Caluula ku  qafaashaan Markab shidaal sida bishii March ee sanadkan.

Inkastoo kiiskaan uu ka dhacay gobolka Gardafu ayaa hadana Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax wuxuu sheegay inay maxkamada sare ee Puntland ogolaatay in lagu qaado maxkamada Garowe.

Xeer ilaaliuye ku xigeenka ayaa faray ciidanka amniga inay soo qabtaan dhammaan 18 eedeesane meel kasta oo ay ku sugan yihiin si waafaqsan nidaamka iyo sharciga dalka.

Halkaan ka dhegayso codka xeer ilaaliye ku xigeenka oo wareysi siiyay Radio Sahan Garowe.

      Maxamed Xareed ku xigeenka xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland oo isagu dacwada soo oogay

Puntland.com.

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed