|

(Dhegayso) Xukuumada Puntland oo soo dhoweysay go’aanadii kasoo baxay shirkii Kismaayo.

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Garowe, wuxuu soo dhoweeyay go’aanadii kasoo baxay shirkii magaalada Kismaayo ay ku yeesheen madaxda dowlad goboleedyada.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay shirkaasi iyo go’aanada kasoo baxay inay yihiin kuwa ay ku jirto maslaxada ummadda Soomaaliya, isagoo sheegay dowladda Puntland inay weligeed horseed ka ahayd soona dhoweyn jirtay wiixii shacabka Soomaaliyeed dani ugu jirto.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay hormuudka ka noqdaan  horumarka ka socda Puntland, isagoo u sheegay inay meel ugasoo jeestaan dadka diidan horumarka ee dano kale xambaarsabn.

“Ninkii horumarka Puntland diidan iyo argigixisada waa isku mid.” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka warfaafinta mudane qarjab.

Halkaan ka dhegayso codka Qarjab.

      Z0000013 - My Recording

Puntlandi.com

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed