|

Dhibaato haysta Dhaawacayadii Somaaliyeed ee Dawlada Qatar ay Dalkeeda u quuri weyday , ee ay ku daadisay Dalka SUDAN


Dhawacyadii la dhigay Muzamil Hospital Khartum-Sudan

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha sheegatay in ay u soo gurmadeen dadka Soomaaliyeed kadib qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare aad u balaaran.

Dhaawacyadii ku waxyeelobay qaraxaas ayaa kuwii ugu horeeyey waxaa gargaar caafimaad oo deg deg ah u fidaysay Dawlada Turkiga, iyadoo dhawcyadaas la geeyey Hospitaalada waaweyen ee dalka Turkiga ee ku yaal magaalada Caasimada ah ee Ankara.

Sidaa si la mid ah Dawlada Qatar ayaa sheegtay in ay qaadeyso oo gargaar caafimaad u fidenayso muwaadiniinta Somaaliyeed ee dhaawacyada culuculsi ka soo gaaree qaraxyadaas ka dhacay magaalada Muqdisho, lakiin nasiib daro Dawlada Qatar oo sheegta in ay saaxiib dhow la tahay Dawlada Somaaliyeed waxay u quuri weyday in ay dhawacyadii Somaaliyeed ee ay qaaday in ay geyso dalkeed, isla markaana ku soo dabiibto Hoæitaalada waaweyn ee ku yaal dalka Qatar

Taas badalkeeda Dawlada Qatar waxa ay dhawacyadii somaaliyeed ee ay qaaday ku daadisay Cisbitaal tayadiisu aad u hooseyso oo ku yaal magaalada Khartuum ee Dalka Sudan.

Falkaa Quursiga ah ee ay ku kacday Dawlada Qadar ayaa ah mid meel ka dhac ku ah sharafta iyo qiimaha qofka soomaliga ah, sidoo kale talaabadan dhaqan xumada ah iyo Quursiga ah ee ay Dawlada Qatar inoo muujisay ayaa ku soo aaday wakhti umadda Somaaliyeed ay ku jirto tiiranyo iyo murugo wada saameysay,taas oo uu keenay qaraxii lagu xasuuqay shacbiga aan waxba galbsan ee ku dhaqan magaalada Muqdisho

Tiro dhaawacyo ah ayaa la geeyay Isbitaal lagu Magacaabo Muzamil oo ku yaalla Magaalada Khartuum ee dalka suudan kuwaas oo haatan la soo sheegayo in ay heestaan xaalad Caafimaad daro.

Soomaalida ku nool dalkaasi suudan qaarkood ayaa waxa ay sheegay in Isbitaalka Muzamil ee la geyay dhaawacyad uu yahay mid ay ku tababartaan dhalinyarada Caafimaadka barata ee reer Sudan iyo kuwa Ajaanibta eE jaamacadaha Waddankaas wax ka dhigta.

“ xaqiiq waxaa ah in Isbitaalka la dhigay uu boqolkiiba boqol dhanka adeegga Caafimaad iyo daboolida baahida bukaan ka hooseeyo kuwa ku yaal magaalada muqdisho  ayuu yiri mid ka mid ah shacbiga Soomaalida ee ku nool dalka Sudan”

Sidoo kale waxaa la sheegay in aysan heysan cid daryeesha iyaga iyo ehelada la socda,marka laga reebo Gurmad yar oo ay ka heleen ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Sudan.

Dawlada Somalia iyo Warbaahinta Qaranka ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dhibaatadaa dhawacyadii Somaaliyeed ku haysta magaalada Khartuum ee Dalka Sudan

Putlandi
Khartoum

Comments are closed