|

Dil fool-xun oo ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Wararka aan ka helayno degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi si arxan-darro ah loogu dilay nin beeraley ah.

Ganey Warsame Gaabane ayaa la sheegay in gurigiisa ay ku dhex dileen rag ku hubaysan qoryaha AK47,kuwaasoo rasaas ku shaandheeyey marxuumkaan oo baradla’,waxaana dadka degaanku sheegeen in aan la garanayn sababta dilkaan ka dambaysa.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa dhankooda sheegay in aan weli la qaban kooxdii dilka geystay,balse ay ku raad joogaan,islamarkaana ay faahfaahinta bixinayaan markii baaritanku dhammaado.

Puntlandi.com

Comments are closed