|

Diyaarad miltari oo Maraykanku leeyahay oo burburtay.

Dayuurad Milatari oo Mareykanku leeyahay oo ay saarnaayeen 11 qof oo isugu jiray shaqaale iyo Rakaab ayaa ku burburtay badda Pacific, ee koonfur bari magaalada Okinawa, Arbacada maanta.

Wasiirka difaaca dalka Japan, Itsunori Onodera, ayaa saxaafada u sheegay in lasoo badbaadiyay 8 kamid ah dadkaan ,qaarka kalena la la’yahay, wuxuuna intaas ku daray in Maraykanka iyo Japan ay si wadajir ah u raadinayaan shaqaalaha lumay.

Ma cadda waxa gaaray dadka dayuurada la socday, ” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay waaxda ciidanka difaaca cirka ee dowladda Maraykanka. Duyuuradda shilka gashay ayaa ku socotay Markab Milatari oo lagu magacaabo USS Ronald Reagan, kaasoo ku sugnaa Badda Philippine.

Wasaaradda gaashaandhiga Japan ayaa sheegtay inay dirtay Maraakiib raadisa burburka duyuuraddaan iyo shaqaalaha lala yahay.

illaa iyo hada Lama oga waxa sababay burburka duyuuradda  sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Badda Mareykanka.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login