|

Diyaarad siday gurmadka dhaqaatiirta iyo 40 tan oo dawo ah ayaa goor dhowayd ka duushay Garowe

Waxaa goor dhowayd garoonka diyaaradaha magaaalada Garowe ka duushay diyaarad siday 40 tan oo daawo iyo koox dhaqaatiir ah oo ay dowladda Puntland ugu talo gashay inay ka qeyb qaataan gurmadka caafimaad ee qarixii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa gurmadkaan dowladdu dirtay hogaaminaya wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda Puntland, Cabdiarxmaan Sheikh Axmed Cabdulle, iyadoo wasiirka caafimaadka dowladda Puntlandna uu haatan ku sugan yahay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka ayaa si degdeg ah ugasoo duulay dalka Pakistaan, halkaas oo uu wayahaan uga qeyb galayay shir looga hadlayay arrimaha caafimaadka Soomaaliya.

Puntlandi.com

 

 

 

Comments are closed