|

Dooni u rarnayd ganacsato oo kusoo caariday xeebta magaalada Bosaso.

Bosaso (Puntlandi) Dooni u rarnayd ganacsato reer Puntland ah ayaa kusoo caariday xeebta magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, kadib markii ay soo wajahday cilad dhinaca Matoorka, sida ay Puntlandi u sheegeen masuuliyiinta dekeda.

Doontaan oo kasoo shiraacatay Dubai, ayaa haatan laga dajinayaa badeecooyinkii ku rarnaa oo ay ku jiraan gaadiid, si looga hortago in hantida halkaas saaran ay dhibaato soo gaarto.

Wararka ayaa sheegaysa in Doonta oo sugaysay inay kusoo xirato dekeda Bosaso ay ciladaan soo wajahday kadibna ay u suurtoobi weyday in ay hesho fursad ay dekeda ugusoo xirato, iyadoo ay ka horeeyeen Doonyo kale oo rarnaa..

Illaa iyo hadda lama sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray hantida saaran, iyadoo uu si xowli ah u socdo gurmadka lagu samato bixinayo.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login