|

Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia iyo jabhadda ONLF oo uu wada hadal rasmi ah uga furmay Nairobi iyo Ergooyinka ka qeyb galya.

Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo Jabhada ONLF ayaa bilaabay wada hadal rasmi ah oo uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa hogaaminaya xubnaha wada hadalka la galaya jamhadda ONLF, taasoo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Ethiopia.

Waa wada hadalkii labaad oo dhexmaraya labada dhinac tan iyo sannadkii 2012, xilligaas oo shir sidaan oo kale ah la isugu yimid, balse wax natiijo ah shirkaas lagama gaarin.

Arrimaha ugu weyn ee shirkaan la filayo inay kasoo baxaan ayaa ah xabbad joojin labada dhinac ay heshiis ku gaaraan iyo in lasoo afjaro colaada.

Wada hadalkaan ayaa loo arkaa talaabo dhanka wanaagsan loo qaaday laguna soo afjarayo qalalaasaha in muddo ah ka taagaanaa Gobolkaas.

Jabhada ONLF ayaa muddo dheer dagaal hubaysan kula jirta Dowladda Ethiopia dagaalkaas oo ay dad badani ku naf waayeen kumanaan kalena ku baro kaceen.

Ergooyinka Shirka ka Qeyb galaya :

Dhanka Dowlada Ethiopia Waxaa Hogaaminaya Madaxwaynaha DDSI

1.Mudane Abdi Mohamoud Omar (Madaxweynaha Maamulka Somaalida Itoobiya )
2.General Gabre Dilla
3.General Damise
4.General Gabre

Sido Kale Dhanka ONLF Waxaa Hogaaminaya

1.Abdirahman Mahdi (Arimaha Dibada)
2.Ahmed Yasin Dhiraane
3.Cibaado Hirsi Mahad
4.Sulub Abdi Ahmed

Dhanka Dowlada Kenya Oo Ah Mida Dhigtay Gogosha Wada Hadalka Waxaa Ka Socoda

1. Senator Yusuuf Haji
2. Governor Ali Bunow
3.Xildhibaanka Eastleigh  Yusuf Hassan Indha Gamuun

Waxaa Kale Oo Gobjooge Ahaa

Mudane Sheekh Ibrahiim Mohamed Hussein ( Madaxii hore Jabhadii Itixaadka Islaamiga ah ee Itoobiya heshiiska la galay )

You must be logged in to post a comment Login