|

Dowlada Itoobiya oo shaacise iney heshiis wada Gaareen Madaxweyne Gaas iyo Raysal Wasaare Hailemariam Dessalegn

Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya oo shaacisey in kulankii Shalay dhex maray Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya uu kusoo dhamaadey is afgarad iyo heshiis labada dhinac wada saxiixdeen.

Labada Masuul ayaa waxay kawada handlen Xaalada Amaan ee Koonfurta Soomaaliya khaasatan deegaanada wali Al-shabaab ku sugan yihiin iyo weeraradii dhiiga badan ku daatey ee bishii hore ka dhacay Muqdisho.

Labada Masuul waxay kaloo isla meel dhigeen iskaashi gaara oo dhex mari doona labada dhinac.

Qoraalka kasoo baxay Wsarada Arimaha Dibada Itoobiya oo Puntlandi lasoo gaarsiiyey ayaalagu sheegey in Madaxweynaha Puntland uu Dowlada Itoobiya uga Mahad celiyey iskaashiga darisnimo ee ay Soomaaliya la wadaagaan.

Hoos ka Daawo Sawirada Labada Masuul oo Shalay kulmay

You must be logged in to post a comment Login