|

Dowladda Ethiopia oo sheegtay inay xal ka gaartay rabshadihii ka dhex taagnaa Soomaalida iyo Oromada.

Dowladda Ethoupia ayaa sheegtay inay xasilooni balaaran ka dhaqan galisay xuduudaha ismaamulka dowlad degaanada Soomaalida iyo Oromada, sida uu sheegay raysal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Isagoo warbaahinta la hadlayay, ayuu raysal wasaaruhu sheegay in khilaafka dhexmaray labada ismaamul goboleed uu ahaa mid ka dhashay ganacsiga sharci darrada ah ee Qaadka.

Gobolka Oromia ayaa ah meesha ugu weyn ee qaadka Itoobiya uu ka yimaado iyada oo dowlad-goboleedka Soomaalida iyo Jabuuti ay yihiin meelaha ugu muhiimsan ee Qaadkaas loo dhoofiyo.

Raysal Wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay inay xireen shakhsiyaad looga shakisan yahay inay ka qeyb qaateen rabshadihii ka dhacay gobolka, iyadoo arrintaas ay baaritaan ku hayaan hay’addaha xuquuqda aadanaha si loo soo jeediyo tallaabooyin sharci iyo maamul oo laga qaadi karo dadkaas.

Waxaa Raysal wasaaruhu sidoo kale sheegay in koox xooggan oo ka kooban xubno federaali ah iyo goboleed loo sameeyay si loo xaqiijiyo in si dhakhso ah dib loogu celiyo dadkii barakacay.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login